Wasiir c/risaaq cumar oo shacabka ka codsadey in ay la shaqeyaan hay,adaha amaanka xili uu booqdey isbitaalka madiina

0
Monday February 29, 2016 - 07:08:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir c/risaaq cumar oo shacabka ka codsadey in ay la shaqeyaan hay,adaha amaanka xili uu booqdey isbitaalka madiina

    Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa booqday Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii argagixiso ee maleeshiyaadka Shabaab ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa booqday Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii argagixiso ee maleeshiyaadka Shabaab ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha oo ay wehliyaan maamulka isbitaalka Madiina ayaa mid mid u booqday qeybaha dadka dhaawacyada ah ay ku jiraan ,waxaana dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ay wasiirka warbixin ka siiyeen xaaladaha dhaawacyada isbitaalka ku jira.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Madiina dadaalka ay u muujiyeen dadka bukaanada ah ee ku jira isbitaalka gaar ahaaan dadkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii muqdisho ka dhacay ku dhaawacmay isagoo sheegay in qorshaha dowlada Soomaaliya uu yahay in ay qalabeyso isbitaalka Madiina si looga maarmo adeegyada caafimaad ee dalka dibadiisa dadka loogu qaado maaddaamaa uu yahay isbitaalka ugu badan ee dadka dhaawacyada ah la geeyo.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka si loogu guuleysto kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed.’

Booqashada wasiirka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii ay daryeel caafimaad oo wanaagsan ugu heli laheyd dadkii abriyada ahaa ee ku dhaawacmay qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

vlcsnap-2016-02-28-04h18m29s123vlcsnap-2016-02-28-04h22m41s77vlcsnap-2016-02-28-04h23m15s171vlcsnap-2016-02-28-04h23m35s103vlcsnap-2016-02-28-04h24m33s164vlcsnap-2016-02-28-04h24m54s142vlcsnap-2016-02-28-04h25m13s74vlcsnap-2016-02-28-04h25m40s77vlcsnap-2016-02-28-04h26m16s159



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip