AMISOM oo cambaareysey qaraxii beydhabo ka dhacey

0
Monday February 29, 2016 - 07:08:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo cambaareysey qaraxii beydhabo ka dhacey

    Wakiilka gaarka ah ee Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee Midoga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

"Waxaan garab taaganahay ehelada dadka rayidka ah ee ku dhinta weerarka argagixisonimo ee ay Al-Shabaab ku bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo goob ku qaxweynayay, kaasi oo muujineyso inaysan u tureynin shacabka”ayuu yiri Danjire Madeira.

Danjiraha ayaa tilmaamay in AMISOM oo kaashaneysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay dib u bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga cirib tiro guud ahaan dalka, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip