Madaxweyne xasan sheeq oo ka qeyb galey shir deg deg ah oo lagu qabtey muqdisho

0
Monday February 29, 2016 - 07:00:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne xasan sheeq oo ka qeyb galey shir deg deg ah oo lagu qabtey muqdisho

    Shirkan deg degga ah ee ay isku yimadeen xubnaha golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey dar-dar galinta aminga dalka iyo sida wax looga qaban lahaa werarada naflacaarinimada ah ee Maleeshiyaadka Nabadiidka Al-Shabab la beegsanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan deg degga ah ee ay isku yimadeen xubnaha golaha Wasiirada ee Xukumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayey dar-dar galinta aminga dalka iyo sida wax looga qaban lahaa werarada naflacaarinimada ah ee Maleeshiyaadka Nabadiidka Al-Shabab la beegsanayaan goobaha ay isku yimaaden shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey kulanka golaha Wasiirada ee caawa, waxaana ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabd sugida iyo sirddoonka Qaranka waxana looga dhagaystay warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka iyo qaraxyada ka dhacay magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobollada Benaadir iyo Bay.

Shirka golaha Wasiiradda ee xukumadda Soomaaliya oo qaatay saacado badan ayaa lagu go’aamiyey in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal balaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha Argagixisada si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo ay horumuud ka noqoyaan Madaxda sare ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Mareeye oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiika Warfaafinta ayaa tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu gumaaday dad shacab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip