Dalka jabuuti oo maanta ka furmey shirka madaxda ciidamada ay ka jogaan soomaaliya

0
Sunday February 28, 2016 - 13:11:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka jabuuti oo maanta ka furmey shirka madaxda ciidamada ay ka jogaan soomaaliya

    Madaxweynayaasha wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti waxaa uga furmay shir madaxeed gaar ah oo amaanka Soomaaliya ku saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti waxaa uga furmay shir madaxeed gaar ah oo amaanka Soomaaliya ku saabsan.

Shirkaan oo qeybtiisa hore ay yeesheen wasiirada arrimaha dibbada wadamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga waxaa looga hadlaya xoojinta amaanka Soomaaliya iyo la dagaalanka Xarakadda Al-Shabab.

Ergo matalaysa wadamada Soomaaliya taageera iyo Q,M ayaa sidoo kale shirkaan ka qeyb galaya.

M/weynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’uud oo shirka ka hadlay ayaa codsaday in la xoojiyo howlgalka AMISOM si looga gun gaaro ujeedka ay ciidamada midawga Africa Soomaaliya u joogaan.

Shirkii heerka wasiir ahaa ee shalay Jabuuti ka dhacay waxaa lagu faaqiday awooda ciidamada AMISOM iyo tayaada ciidamada Soomaaliya ee la xariirta xoojinta amniga wadanka.

Wakiilka Q,M ee Soomaaliya iyo madaxdii kale ee shirkaan ka qeyb galay ayaa sheegay in waxyaabaha miiska saaran ee qaarkoodna la isku raacay ay ka mid yihiin in la tayeeyo ciidamada Soomaaliya si amaanka ay u hantaan.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan Dharaar Hufane ayaa shirkii shalay ka sheegay in loo baahanyahay in wadamada gobolka ay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro Al-Shabab sida uu yiri.

Go’aanadii shirkii shalay waxaa la hor geynayaa shirka maanta ay M/weynayaasha Africa ee ay ciidamada Soomaaliya ka joogaan ku leeyihiin Jabuuti.

Soomaaliya waxaa jooga labatameeyo kun oo askari oo ka socda ururka midawga Africa haba ugu badnaadeen kuwa dariska ah haddana sidaasoo ay tahay Al-Shabab willi weeraro ayay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo wadamada dariska ah ee Soomaaliya ciidamada usoo diray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip