Kenya oo laga caawinayo la dagaalanka Shabaab

0
Sunday February 28, 2016 - 13:11:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo laga caawinayo la dagaalanka Shabaab

    Kenya ayaa heshiis dhanka iskaashiga ah la saxiixatay maamulka Isra'iil oo sheegay inuu ka caawin doono xukuumada Kenya dhanka la dagaalanka argagaxisada iyo kooxda Al Shabaab ee saldhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya ayaa heshiis dhanka iskaashiga ah la saxiixatay maamulka Isra'iil oo sheegay inuu ka caawin doono xukuumada Kenya dhanka la dagaalanka argagaxisada iyo kooxda Al Shabaab ee saldhigeedu yahay dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ayaa todobaadkan booqasho ku joogay dhulka Isra’iil maamusho, gaar ahaan magaalada Qudus (Jerusalem), wuxuuna Kenyatta ka codsaday Isra’iil ay inay sare u qaado taageeradii ay kasiin jireen dhanka amniga.

Maamulka Isra’iil ayaa sanadihii danbe si weyn ugu lug lahaa tababarada sirdoonka Kenya iyo waliba taageerada dhanka baaritaanka weerarada argagaxisada ee ka dhacay gudaha Kenya kuwaasi oo ay geysteen kooxda Al Shabaab.

Kaalinta Isra’iil ee amniga Kenya ayaa xoogeeda bilaabatay kadib weerarkii lagu qaaday Hotel Yuhuuda ay ku leeyihiin magaalada Mombasa sanadkii 2002, hotelkaasi oo lagu magacaabo Paradise Hotel. Balse Kuxigeenka Safiirka Isra’iil u fadhiya Kenya ayaa sheegay in iskaashiga dhanka amniga ee Kenya iyo Isra’iil uu soo bilowday 40 sano kahor xiligii diyaarad laga leeyahay Isra’iil lagu afduubtay wadanka Ugandha oo Kenya jaarka yihiin.

Uhurro oo ka careysiiyey Shacabka Kenya

Dhinaca kale shacabka Kenya ayaa si weyn uga carooday hadalo kasoo yeeray Madaxweynahooda intuu ku sugnaa magaalada Jerusalem.

Uhurro Kenyatta ayaa Arbacadii lasoo dhaafay kulan uu la yeeshay Ardayda Kenyaatiga ah ee wax ka barta dhulka Isra’iil maamusho ayaa wuxuu ku eedeeyey Shacabka Kenya inay dhaqan ka dhigteen Musuq Maasuqa iyo Qabyaalada.

"…Waxaan xirfad ka dhiganaya wax Xadid (Musuq Maasuq) iyo inaan is aflagaadeyno iyo falal kale oo xun xun…” ayuu yiri Kenyatta oo intaasi sii raaciyey "…Bal eega dalkan aan joogno (Isra’iil) dadkooda waxay ka yimaadeen wadamo kala duwan, waxayna u taagan yihiin sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen Amnigooda iyo noloshooda. Balse anagoo illaahay nagu abuuray dal 20 jeer ka wanaagsan dadkan aan la joogno (Isra’iil) dhulkooda…” ayuu yiri Uhuro Kenyatta oo ku hadlayey luuqada Sawaxiliga si aysan u fahmina dadka uu martida u yahay.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay dhalinta uu u khudbeenayey inay ku daydaan Isra’iiliyiinta oo ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda.

Balse hadaladan ayaa waxaa si weyn uga carooday in badan oo kamid ah Shacabka Kenya oo uu Madaxweynahooda ku tilmaamay dad jecel Musuq Maasuq oo u badan tuugo iyo Qabiileystayaal jecel ku dhaqanka Qabyaalada, waxaana arrintan si weyn uga hadlayey saxaafada Kenya maalmihii lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah dadka ka falanqooda Siyaasada ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha inuu isagu yahay hogaamiyaha xukuumada ugu musuq maasuq badan balse aysan ahayn inuu wada aflagaadeeyo dhamaan shacabka Kenya ee xilka u doortay, qaar kamid ah shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Kenyatta inuu dhiiga iska baaro markuu dib ugu soo noqdo Kenya oo uu iska eego inuu qabo cudurka Malariyada oo mararka qaarkood dadka ku rida waali keenta in qofka wax walba isaga hadlo, waa say hadalka u dhigeenee.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip