Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha soomaaliya oo jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayo amniga

0
Sunday February 28, 2016 - 10:10:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna madaxweynaha soomaaliya oo jabuuti uga qeyb galay shir looga hadlayo amniga

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Jabuuti uga qeybgalaya shirka ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Jabuuti uga qeybgalaya shirka ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Shirka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa xaaladda amniga iyo hawlgallada AMISOM, iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab oo dhibaato ku heysa gobolka

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Al Shabaab ujeedkeeda uu cad yahay, ayna doonayaan inay shacabka xasuuqaan, barakiciyaan, isla markaana ay nabadda horjoogsadaan, loona baahanyahay in si wada jir ah looga hortago dhagarta ay maleegayaan.

"Kooxdan argagixisada ah ee diinta ku gambaneysa waxay markii ay jab ba’an la kulantey dooneysaa inay shacabka taageero kaga raadsato si khasab iyo argagixin leh. Wixii shaley ay sameeyeen ee ay shacab waddooyinka iska marayey ku laayeen waxay caddeyn u tahay in Al Shabaab ay ku faanto daadinta dhiigga shacabka masaakiinta ee nabadda u ooman. kooxda UGUS waa inay ogaataa in laamaha amniga ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay kooxaha argagixsada dalka uga sifeyn lahaayeen’’.ayuu yiri Madaxweynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip