Taliyaha ciidanka xooga Dalka oo tababar u soo xirey saraakiil

0
Thursday February 18, 2016 - 18:18:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka xooga Dalka oo tababar u soo xirey saraakiil

    Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa tababar u soo xiray lix sarkaal oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka xooga dalka oo mudo bil ah tababar uga socday magaaladda Muqdisho,waxaana tababarkan bixinayay dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa tababar u soo xiray lix sarkaal oo ka tirsan taliska guud ee ciidanka xooga dalka oo mudo bil ah tababar uga socday magaaladda Muqdisho,waxaana tababarkan bixinayay dowlada Ingiriiska.

xiritaanka tababarkan ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay safiir ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo madaxa xafiiska Ingiriiska ee horumarinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Andrew Auen oo ah safiir ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeya gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn u mahad celiyay safaarada dowlada Ingiriiska ay ku leedahay dalka Soomaaliya ,wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha tababarkan ka faa’ideystay in ay gaarsiiyaan saraakiisha kale ee aanan fursadan helin.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka xooga dalka iyo safiirka ku xigeenka safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shahaadooyin gudoonsiyay saraakiishan tababarka dhameystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip