Wafdi uu Madaxweyne Xasan Sheekh Horkacayo oo Maanta gaaray Degmada Baladweyne

0
Thursday February 18, 2016 - 18:12:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu Madaxweyne Xasan Sheekh Horkacayo oo Maanta gaaray Degmada Baladweyne

    Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kasoo dagay wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kasoo dagay wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud.

Wafdiga oo ka kooban labada gole ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Heer Gobol iyo Heer Degmo, saraakiisha ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, odayaal-dhaqameed, Waxgarad iyo Ururrada Dhallinyarrda Gobolka Hiiraan.



Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga XFS, C/risaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Nuur Iidoow Bayle iyo Madaxa Qaybta Dhismaha Maamul-goboleedyada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Nafiso Geeddi Santuur.


Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay xilligaan kulan gaar ah Kula jiraan, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble. 


Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in kulamo Xasaasi ah ay la yeesha duubabka dhaqanka, odayasha iyo Wax-garadka Gobolka Hiiraan oo ay kala hadli doonaan Qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe iyo ka Qayb-galka shirka Jowhar oo muddo dheer hakad ku jirra.

Wixii Warar ee kasoo Kordha Safarka Madaxweynaha Waan idiin soo Gudbin doonnaa...




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip