Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo xalay Muqdisho laga fuliyay

0
Thursday February 18, 2016 - 17:36:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo xalay Muqdisho laga fuliyay

    Howlgalkan, oo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay ciidanka hey'adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan, oo xalay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hilwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa fuliyay ciidanka hey'adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Goobaha howlagalada ay ka socdeen ayaa waxaa kormeerey mas’uuliyiin uu kamid ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiil ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in howlgalka lagu qab qabtay dad tiradooda gaarayso ilaa 300 oo ruux kuwaas oo ugu dambeyntii markii kala saaray laga soo reebay 26 qof oo ayaga qirtay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

"Waxaa la soo qabtay oo la soo aruuriyay dad gaaraya ilaa 300 oo ruux, markii kala shaadheeyay ka dib waxaa shabaab noqotay oo qirtay 26 oo la yaqaano oo dhahaya anaga waxaan nahay shabaab.” Ayuu yiri afhayeenka.

C/fitaax Cumar Xalane, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkan uu ahaa mid lagu guuleystay, isagoo u mahadceliyay hey’ada nabad sugida qaranka oo howlgalkan fulisay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip