Gaadiid lagu Wareejiyay Maanta TALISKA Ciidamada BOOLIISKA Gobolka Hiiraan "Sawirro"

0
Wednesday February 17, 2016 - 19:25:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid lagu Wareejiyay Maanta TALISKA Ciidamada BOOLIISKA Gobolka Hiiraan "Sawirro"

    Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeeda Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray maana Magalaada B/weyne ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan loogu wareejiinayay gaadiid loogu talo galay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeeda Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray maana Magalaada B/weyne ayaa ka qeyb galay Munaasabad Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan loogu wareejiinayay gaadiid loogu talo galay in ay ku shaqeeyaan ciidamada booliska ee ka howlgalka Magaalada Baladweyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan.

Munaasabada wareejinta gadiidkan oo lagu qabtay Xaruunta taliska ciidamada AMISOM ee duleedka Magalaada Baladweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliya jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamud, Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Taliye ku xigeenka Ciidamada Dalka Jabuuti Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan maamulka Degmada Taliyaha qeybta booliska ee Gobolka Col’isaaq Cali Cabdulle iyo  masuuliyiin kale.

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Hiiraan Col isaaq Cali Cabdulle oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gadiidkan maanta lagu wareejiyay Ciidamada booliska ee ka howlgala Magaalada Baladweyne ay wax badan ka tari doono howlaha ciidamada booliska ay u hayaan bulshada Soomaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba geed waxana uu sheegay in gadiidkan uu ka kooban yahay shan gaari islamarkana labo ka mid ah loogu talo galay ciidamada booliska gobolka Hiiraan ee ka howlgala Magaalad Baladweyne halka saddexda kalan ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada booliska qeybta miino barista isago sheegay in gadiidkan labo ka mid ah ay ciidamada booliska ugu deeqday dowlada jarmalka halka saddexda kalan ay ku deeqeen Xafiiska Ha’yada QM u qaabilsan   miino barista ee main Action ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xassan Xaamuud oo ugu dambeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyay ciidamada booliska Gobolka uu qeyb ka yahay gadiid loogu talo galay ciidamada booliska ee ka howlgala Gobollada dalka islamarkana horey gadiid loogu wareejiyay Maamulada kale ee  ka jira Dalka.

 

Taliyaha Booliska (20)Taliyaha Booliska (19)Taliyaha Booliska (21)Taliyaha Booliska (22)Taliyaha Booliska (1)Taliyaha Booliska (2)Taliyaha BooliskaTaliyaha Booliska (4)Taliyaha Booliska (5)Taliyaha Booliska (6)Taliyaha Booliska (7)Taliyaha Booliska (8)Taliyaha Booliska (3)Taliyaha Booliska (9)Taliyaha Booliska (10)Taliyaha Booliska (11)Taliyaha Booliska (12)Taliyaha Booliska (13)Taliyaha Booliska (15)Taliyaha Booliska (16)Taliyaha Booliska (17)Taliyaha Booliska (18)Taliyaha Booliska.8jpgTaliyaha Booliska.9jpgTaliyaha Booliska.7jpg

xuquuqda Sawiradani waxaa Iska Leh  www.hiiraanweyn.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip