Deegaano Hoostaga Ceel Buur Oo Lagu dilay Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagaxisada

0
Saturday February 13, 2016 - 14:07:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaano Hoostaga Ceel Buur Oo Lagu dilay Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagaxisada

    Sedax ka tirsan argagaxisada maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay tira kalana waa lagu dhaawacay kadib hawlgal ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ee Bartamah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sedax ka tirsan argagaxisada maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay tira kalana waa lagu dhaawacay kadib hawlgal ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanno hoosyimaada Degmada Ceelbuur.

Korneel Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha Ciidanka qeybta bariga Galgaduud ayaa  sheegay in Ciidanku ay weerar kala hor tageen markii ay maqleen xogo ku saabsan maleeshiyaadkaasi in ay wadaan abaabul dagaal oo ay la damacsanaayeen fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka sidaasina ay jab xoog leh ku gaarsiiyeen kooxdaasi gabalkoodu uu sii dhacay ee Shabaab.

Korneelka oo sii hadlay ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku qabteen 1 dhagar qabe  oo dhaawac ah iyo laba meyd ahna ay ka carareen, iyo 3 dhaawac oo qaateen sidaasna ay jab xoog leh ay ku gaarsiiyeen.

Kaddib markii ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay casharka u dhigeen maleeshiyaadka isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed  ee UGUS, waxaana ay qabteen kooxdaasi meel jiq ah oo markii hore ay si dhuumaaleysi ah ay kaga soo baxeen.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa waayihii dambe baacsanayay maleeshiyaadka argagaxisada ee gabalkoodu dhacay, kuwaa oo mar walbo looga daba tago deegaanada Howdka ah oo ay ku dhuumaaleystaan maadaama aysan u babac dhigi Karin awood ahaan ciidamada Qalabka Waxaana guulaha isdaba jooga ah ay soo hoynayeen sooma jeestayaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed oo qaati ka taagan hagardaamooyinka lagu bartay UGUS.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip