Ciidanka Difaaca oo si Rasmi ah ula Wareegay Marka(DHAGEYSO)

0
Monday February 08, 2016 - 10:45:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Difaaca oo si Rasmi ah ula Wareegay Marka(DHAGEYSO)

    (SNARADIO) Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed ayaa lawareegay Gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.hoose halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad yar oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kadib markii Ciidamada Jihooyin kala duwan ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(SNARADIO) Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliyeed ayaa lawareegay Gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.hoose halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad yar oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kadib markii Ciidamada Jihooyin kala duwan ay kaga yimaadeen .

Maleeshiyadii ku sugneyd Marka ayaa lagu soo waramayaa in ay kala firxadeyn qeyb ka mid ah ayaa u carartay Janaale halka qeybta kalana ay aadeen jilib iyo Buufoow waxaana Ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan Maleeshiyaadkaasi baxsadka ah sida uu inoo sheegay Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Sooomaaliyeed Gen C.qaadir M.Nuur mar uu qadka taleefanka ugu waramayey Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida .


Gen ayaa inoo sheegay in qasaaro ay gaarsiiyeen Maleeshiyada Al shabaab mid ka mid ah Dagaalamayaashooda ayuu sheegay in ay Gacanta ku hayaan halka ay ku hareereeysan yihiin koox Shabaabka ka tirsan oo ku jira guri ku yaala gudaha marka.



Gen C.qaadir M.Nuur Abaanduulaha Taakuleynta CXDS Ayaa sheegay magaalada ay u dajiyeen Qorshe Milatari islamarkaana aysan dhici doonin in marka mar kale ay dib ugu soo noqdaan maleeshiyada kooxda al shabaab .


Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.hoose ayaa hadda ku jirta Gacanta Ciidanka Xoogga mana jiraan wax dagaal ah oo ka dhacay magaalada markii ay la wareegayeen Ciidanka Dowladda .


Somali National Army Radio 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip