Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda "SAWIRRO"

0
Sunday February 07, 2016 - 16:07:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka oo ka shiray xoojinta amniga iyo naleynta caasimadda "SAWIRRO"

    Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa maantay shir guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladaha ammaanka iyo Nadaafada Gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa maantay shir guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladaha ammaanka iyo Nadaafada Gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa dhaca maalin walba oo Axad ah, kaas ay kasoo qeyb galaan, maamulka gobolka, 17ka guddoomiye degmo iyo Laamaha amaanka gobolka banaadir.

Kulanka ayaa maanta lagu gorfeeyay halka ay mareyso canshuuraha guryaha iyo Naleynta Caasimadda, waxaana la isku raacay in ay meel fiican marayaan loona baahan yahay in la sii wado.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kulanka intii uu socday waxa uu ka warbixiyay socdaalkii uu dhawaan ku tegay magaaladda London oo uu ku tilmaamay in uu guul ku soo dhamaaday, Jaaliyadda Soomaaliyeedna ay u balan qaadeen in ka qeyb qaadanayaan horumarka gobolka.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa la isku raacay in horumarka caasimadda meel looga soo wada jeesto .

FB_IMG_1454846661037 FB_IMG_1454846664016 FB_IMG_1454846676039 FB_IMG_1454846684434 FB_IMG_1454846688239 FB_IMG_1454846691349 FB_IMG_1454846694440 FB_IMG_1454846711780 FB_IMG_1454846716133 FB_IMG_1454846726021 FB_IMG_1454846728985




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip