Wasiirka difaaca oo sheegay in Al-Shabaab laga saari doono guud ahaan dalka

0
Sunday February 07, 2016 - 14:51:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka difaaca oo sheegay in Al-Shabaab laga saari doono guud ahaan dalka

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Shabaab dhawaan laga sifeyn doono guud ahaan gobollada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Shabaab dhawaan laga sifeyn doono guud ahaan gobollada dalka.

Wasiirka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay dhawaan qaadi doonaan howlgallo ka dhanka ah argagixisada dalka, kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii guud ahaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa.

Wasiirku waxa uu ciidanka kula dar daarmay xoojinta amniga goobaha ay ku suganyihiin ayna u diyaar garoobaan ka xoreynta cadowga Ummadda meelaha ay gobollada dalka kaga suganyihiin.

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka codsaday shacabka inay isku fikir ka noqdaan la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan sidii cadowga Al-Shabaab looga hortagi lahaa dhagarta ay maleegayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip