Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in amniga Garoonka lagu soo kordhin doono qorshooyin Cusub

0
Sunday February 07, 2016 - 14:28:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in amniga Garoonka lagu soo kordhin doono qorshooyin Cusub

    War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabooyin cusub oo amniga la xiriira lagu soo kordhin doono garoonka si loo xaqiijiyo ammaanka garoonka aadan Cadde, waxaana uu qoraalka ka soo baxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabooyin cusub oo amniga la xiriira lagu soo kordhin doono garoonka si loo xaqiijiyo ammaanka garoonka aadan Cadde, waxaana uu qoraalka ka soo baxay

xafiiska Raisul Wasaaraha u qornaa sida soo socota.

Baaritaano lagu sameeyey diyaaradii Daallo Airlines AIRBUS 321 flight nambarkeeduna ahaa 3159 una socotay Djibouti, ayna saarnaayeen 74 qof oo rakaab ah iyo 7 shaqaale ah, ayaa 20 daqiiqo oo ay hawada ku jirtay kadib si deg deg ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cabdulle kadib markii uu ka dhex dhacay Qarax.

Baaritaano dheeraad ah oo ay sameeyeen khubaro Soomaali iyo kuwo caalami ah, waxay xaqiijinayaan in Qaraxii ka dhex dhacay diyaaradii Daallo Airlines uusan aheyn mid ka dhashay cilad farsamo, ee uu ahaa mid loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa.

Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dadkii lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay gudaha diyaaraddaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socodsiineysaa dadweynaha ka dhoofa, kana soo dega garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle lagu soo kordhin doono tallaabooyin cusub oo lagu adkeynayo amniga. Waxaana laga codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka ee u heelan sugida amnigooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip