Dowladda F. S. oo natiijo hordhac ah ka soo saartay baaritaanka qaraxi ka dhacay diyaaradda Daallo

0
Sunday February 07, 2016 - 14:14:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda F. S. oo natiijo hordhac ah ka soo saartay baaritaanka qaraxi ka dhacay diyaaradda Daallo

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd shaacisay natiijo horu dhac ah oo ku saabsan baaritaankii Diyaaradda Daallo Airline, oo labadi bishan uu gudaheeda ka dhacay qarax dhinac ka dalooliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd shaacisay natiijo horu dhac ah oo ku saabsan baaritaankii Diyaaradda Daallo Airline, oo labadi bishan uu gudaheeda ka dhacay qarax dhinac ka dalooliyay.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali oo maqribnimadii caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in waxa ka dhacay diyaaradaasi ay ahaayeen qarax si ula kac ah loo geliyay diyaaraddaasi, isagoo intaasi ku daray in ciidamada ammaanku ay arintaasi u qabteen dad lagu tuhmayo falkaasi

Wasiirka ayaa xusay in baariritaanka shilkaasi oo ay gacan ka geysteen qubaro ajnabi ah lagu ogaaday in waxa ka dhacay diyaaradaasi uu ahaa qarax, wuxuuna hoosta ka xariiqay in baaritaanku uu weli socdo.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna hadlay ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay sare u qaadeen amaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Talaadadi la soo dhaafay ayeey aheyd markii diyaaradda Daallo Airweys oo ay saarnaayeen in ka badan 77 qofood oo rakaab ah uu gudaheeda ka dhacay qaraxaasi kaaso diyaaradda ka dalooliyay dhinaca Midig,waxaana weli socda baaritaanka arrintaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip