Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in ciidanka XDS ay dib ula wareegeen Marka "SAWIRRO"

0
Saturday February 06, 2016 - 17:50:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in ciidanka XDS ay dib ula wareegeen Marka "SAWIRRO"

    Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeye ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeye ayaa

 shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen waxa ay uga hadleen howlgallo ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diihi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalada Marka, isagoo xusay in amniga magaaladu ay tahay mid la isku haleyn karo, shacabkana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Warbaahinta ugu baaqay inaysan ka bad badinin wararka la xiriira xagga amniga, waxaana uu shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Hoose ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Shirka jaraa’id ayaa yimid xilli la sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xoogaa saacado gudaha u soo galeen magaalada Marka, taasi oo aakhirkii dambe keentay in ciidanka xoogga dalka ay kala eryaan maleeshiyaadkii magaalada soo galay.

  

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdulaahi Maxamed Feereysane




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip