Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

0
Saturday February 06, 2016 - 15:53:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Boliis Ah Oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

    Munaasabadaan tababbarka loogu soo xirayay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska ayaa lagu qabtay dugsiga sare Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadaan tababbarka loogu soo xirayay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska ayaa lagu qabtay dugsiga sare Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, taliyexigeenada ciidanka booliska, saraakiil ka socotay booliska AMISOM iyo saraakiil kale.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa waxa ay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka tababbarka u soo gabo gaboobay looga baahanyahay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka amniga ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed Cali, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay dhismo cusub oo saldhig ah, isla markaana ay ku shaqeyn doonaan ciidanka booliska ee ka howgalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, saraakil ka socotay ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ka tirsan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhismahan cusub uu ka duwanyahay dhismihii hore ee ay ciidanka ku shaqeyn jireen.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed Cali, oo goobta ka hadlay ayaaa uga mahadceliyay AMISOM dhismaha saldhiga cusubwaxaana uu intaa ku daray in ciidanka booliska ee garoonka looga baahanyahay inay xoojiyaan ammaanka, ayna iska xaqiijiyaan cidkasta oo garoonka ka soo degaysa iyo kuwa galaya intaba.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip