Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO

0
Saturday February 06, 2016 - 15:50:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO

    Mogadishu, 06 February 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mogadishu, 06 February 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Jarmalka, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo soo gaaray Muqdisho, Baarlamaanka oo ansixiyey sharciga Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Horumarka Warbaahinta Dalka oo si xowli ah u socda, Soomaaliya iyo UK oo heshiis dhanka difaaca ah kala saxiixday, Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo la ballaarinayo, Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis Iskaashi wada saxiixday, Doorka Haweenka ee siyaasada oo la xoojinayo iyo Raadiyo Hiiraanweyn oo laga hirgeliyey Buulo-Burte.

Madaxweynaha oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Jarmalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 3dii Febaraayo 2016 Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch. Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka siday Ra’iisul Wasaare Angela D. Merkel. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan iska kaashan karaan. Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 3dii Febaraayo 2016 Xarunta Madaxtooyada ku qaabiley, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo booqasho ku yimid Muqdisho. Sidoo Kale Jeffrey Feltman ayaa kulamo la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa, Taliyaha AMISOM iyo mas’uuiyiin kale. Madaxweynaha ayaa Jeffrey Feltman uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid dalka, oo uu tilmaamey inay muhiim u tahay Soomaaliya oo qaadeysa talaabooyin taariikhi ah oo dhinaca siyaasadda iyo dib u qaabeynta mustaqbalka waddanka la xiriira. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyey baahida loo qabo isku dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida Al Shabaab. Jeffrey Feltman, ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaanay go’aankii dhowaan ay qaateen ee meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkan, isagoo sheegay inay tallaabadaasi ay taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen dalalka gobolka, caalamka iyo Qaramada Midoobay. Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wadahadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul bishan February dhammaadkeeda ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo waddamada iskaashiga la leh, shirka ka dhacaya magaalada Djibouti ee ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa maalgashi sahlaya fursado shaqo. Danjire Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u taageereyso Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaalida ugu baaqey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan taageerada beesha caalamka.

Baarlamaanka oo ansixiyey sharciga Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Kulanka xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ee 3dii Feberaayo 2016 oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa ugu dambayn lagu meel mariyay sharciga Qoxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ay soo xaadireen 156 mudane oo barlamaanka ka tirsan ayaa waxaa sharcigaan ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeeday, waxana sidaasi ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani nuur Iikar. Shircigaan qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka ee ay maanta meel mariyeen xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu soo maray marxaalado kala duwan, iyadoo bishii December ee sanadkii 2013 kii loo soo gudbiyay xubnaha baarlamanka, waxaana la marsiiyay akhrinta Koowaad, labaad iyo sadaxaad, ugu dambeynta ay meel mariyeen xubnaha barlamaanka Soomaaliya.

Horumarka Warbaahinta Dalka oo si xowli ah u socda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudana Cabdirisaaq Cali Yuusfu (Bahlawi) oo booqasho shaqo ku gaaray Nairobi ayaa 1dii iyo 2dii Feberaayo 2016 waxuu beesha caalamka kala hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa Istraatejiyada Warbaahinta Soomaaliya iyo Xeerka Saxaafadda oo saldhig u ah horumarka warbaahinta dalka. Xubnihii beesha caalamka oo uu Wasiirku la kulmay ayaa si weyn u soo dhoweeyey dadaalada Wasiirka ee ku aadan horumarinta Warbaahinta Dalka, waxeyna xaqiijiyeen inay si buuxda u taageeri doonaan barnaamijyada dhaqangelinta Istraatejiyada Warbaahinta iyo Xeerka Saxaafada. Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Safiirka Midowga Yurub H.E. Michele Cervone-d’Urso, Safiirka Finland Ms Tarja Fernandez, Mas’uuliyiin ka socotay Safaarada Mareykanka, Madaxa hay’ada Human Rights Watch ee Geeska Afrika, iyo Kooxda Xiriirka ee taageerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Support Group (SMSG)).

Soomaaliya iyo UK oo heshiis dhanka difaaca ah kala saxiixday

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews, ayaa 31dii Janaayo 2016 xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo dhanka Difaaca ku saabsan. Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan. Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britain ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida. Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya Ms Harriet Mathews, ayaa dhankeeda sheegtay in markasta la garab istaagayaan Dawladda Soomaaliya taageero dhinac walba leh, gaar ahaan xasilinta dalka, waxa ay u rajeysay dawladda Soomaaliya in ay ku guulaysan doonto qorshayaasheeda kala duwan.

Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo la ballaarinayo

Garoonka diyaaradaha degmada Dhuusammareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa 31kii Janaayo 2016 laga bilaabay dhismo qayb cusub oo lagu kordhinayo, si garoonka sare loogu qaado bilicdiisa. Dhismaha oo ay hirgalinayso dhallinyarada gobolka ayaa waxaa ka qayb galay maamulka iyo qaybaha bulshada kunool Dhuusamarreeb. Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo garoonka oo ah qeyb la dhigo diyaaradaha, taasi oo aan iminka lahayn garoonka dhuusamareeb. Cabdulqaadir Cali Barre (Furre) oo ah guddoomiyaha guddi u xilsaaran dhismaha garoonka ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha ay iska kaashanayaan dhallinyarada gobolka, laguna xoojin doono, dib u dhis laami ah oo ay ku samaynayaan waddada ay diyaaraduhu ka cago-dhigtaan, kana duulaan. Cabdulqaadir ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta gobolka, dowladda Federaalka ah, ganacsatada, qurbe-joogta, hay’adaha horumarinta adeegyada bulshada iyo dhammaanba shacbiga Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan dhimaha qeybta cusub ee lagu soo kordhinayo garoonka.

Somalia iyo Kenya oo Heshiis Iskaashi wada saxiixday

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya, ayaa 31kii Janaayo 2016 xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey Heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan. Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC)) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay. Kenya waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Doorka Haweenka ee siyaasada oo la xoojinayo

1dii Feberaayo 2016 ayaa Siminaar lagu baranayay doorka ay haweenka ku leeyihiin siyaasadda iyo doorashada dalka ee sanadkan 2016-ka ayaa waxaa loo qabtay sodon haween ah oo ka kala socda gobolada dalka, bulshada rayidka, qaar ka mid ah Jaamacadaha magaalada Muqdisho iyo gabdho suxufiyiin ah waxaana iska kaashaday Dowladda Federaalka, ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ah iyo hay’adda horumarinta Waxbarashada. Siminaarkan ayaa waxaa lagu baranayay doorka haweenka ee ku aadan ka qeyb galka siyaasadda iyo doorashada la filayo dalka in ay ka dhacdo sanadkan. Guddoomiyaha Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SWJ Farxiya Maxamed Kheyre ayaa sheegtay in ujeeddada ay ka leeyihiin tababarada noocaan ah uu yahay inuu muuqdo doorka haweenka Soomaaliyeed, iyadoo u jeedisay hadal dar daaran ah oo ku aadan in haweenku ay noqdaan kuwa ka qeyb qaata hanaanka doorasho ee dalka. Madaxa Mashaariicda ee Hay’ada Horumarinta Waxbarashada Maxamuud Cali Salaad ayaa sheegay in tababarkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay haweenka Soomaaliyeed, loona baahanyahay ka qeyb galayaashu inay ka faa’iideystaan. Ururka gabdhaha Suxufiyiinta iyo hay’ada horumarinta waxbarashada ayaa mudooyinkii dambe waxa ay wadeen tababarada noocaan ah oo ay u qabanayeen haweenka Soomaaliyeed.

Raadiyo Hiiraanweyn oo laga hirgeliyey Buulo-Burte

Xaflad lagu furayay Xarunta labaad ee Radio Hiranweyn ee dagmada Buulo-Burte ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka dagmada, odayaal dhaqameedyo, Ururada haweenka, dhalin yarada iyo bahda ciyaaraha dagmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay dhamaantood siweyn u soo dhaweeyeen furitaanka xarunta cusub ee Raadiyo Hiiraanweyn. Agaasimaha Guud ee Raadiyaha Maxamed Cismaan Makaraan oo furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in Idaacada ay qeyb ka qaadan doonto in shacabka Buulo-Burte uu codkoodu gaaro Caalamka si la mid ah sida dadka ku nool Magaaloyinka kale ee dalka. Gudoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Buulo-Burte Marwo Suukri Saney Muumin ayaa goobta ka sheegtay in shacabka reer Buulo-Burte ay dhaga la’aayeen maantana ay heleen meel ay ka dhageystaan dhacdooyinka gudaha iyo dibada. Ku simaha ahna gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Liibaan Cabdi Burosow iyo Duqa Dagmada Cismaan Geedi Cilmi ayaa balanqaaday in ay si buuxdo ula shaqeyn doonaan Idaacada. Furitaanka Idaacada ayaa noqoneysa Raadiyaha labaad ee dagmada ka shaqeeya iyadoo degmadaasi ay ka howlgasho Radio Muqdisho faraceeda Bula burde oo dhowr bilood ka shaqeyneysay halkaasi.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip