Maamulka Degmada Marka oo ka hadlay qaabkii ay ula Wareegeen Magaalada

0
Saturday February 06, 2016 - 15:46:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 824
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Marka oo ka hadlay qaabkii ay ula Wareegeen Magaalada

    Waxaa degan Xaaladda Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose oo ay Maanta la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa degan Xaaladda Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose oo ay Maanta la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wararka ka imaanaya Marka ayaa sheegaya in Xaaladda Magaalada ay hadda tahay mid degan,iyadoo ay Furmeen meelaha qaar Goobihii ganacsiga.

Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Marka ee dhanka Amniga C/kariin Xasan Xuseen  oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay si buuxda u la Wareegeen Magaalada islamarkaana Shabaab ay iskaga baxeen Degmada.

Guddoomiye Kuxigeenka waxaa  kale oo uu Xusay in ay Al-shabaab kula Dagaalami doonaan degaanada Hoosyimaada Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Wali lama Oga Tirada ku dhimatay Dagaalka ka dhacay Magaalada Marka,iyadoo aysan wax war ah ka soo saarin Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip