Dowlada soomaaliya oo mar kale dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisey maxkamada cadaalada

0
Friday February 05, 2016 - 10:16:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada soomaaliya oo mar kale dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisey maxkamada cadaalada

    Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Maxkamadda cadaaladda ee caalamka dukumintiyo ka jawaabayay dalab ay horey maxkamadda cadaaladda ugu gudbisay dowladda Ke

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ku sugan dalka Holland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Maxkamadda cadaaladda ee caalamka dukumintiyo ka jawaabayay dalab ay horey maxkamadda cadaaladda ugu gudbisay dowladda Kenya, kaas oo ku saabsanaa in muranka dhanka badda ah ee labada dal lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda.

Dr Axmed Cali Daahir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in markale ay warqad ka dhan ah Kenya u gudbiyeen Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya lagu dhameeyo han sharci ah, oo aysan ogolaan doonin wax wada hadal ah.

"Waxaan joognaa Maxkamadda Caalamiga ah, aniga, safiirka iyo qareennada waxaana u imid in aan gudbino jawaab ku saabsan warbixinta oo ay kalhore keentay Kenya, runtii 5-ta bishan ayay ku ekeyd, Alxamdullilah waqtigii naloo qabtay ayaan ku keenay, runtii jawaab ku filan tan Kenya ay maxkamadda keentay ayaan maanta u gudbinay, runtii sanadkii hore anagu waxaan si rasmi ah u soo gudbinay dacwad buuxdo, balse Kenya ayaa soo gudbisatay warqad ay ku hor istaageyso in dacwadda la qaado, anaguna markale ayaan jawaab ka dhan ah arrintaasi keenay Maxkamadda” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in rajo aad iyo ad u sareysa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka qabaan ku guuleysiga kiiskan la xiriira dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.



 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip