In ka badan boqolaal qaxooti soomaali ah oo ku dhibaateysan xabsiyo ku yaala magaalada jida ee dalka sacuudiga

0
Friday February 05, 2016 - 10:16:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In ka badan boqolaal qaxooti soomaali ah oo ku dhibaateysan xabsiyo ku yaala magaalada jida ee dalka sacuudiga

    Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada ku yaala dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in dhibaatooyin ad u daran ay ku heysato jeelasha ay ku jiraan, ayagoo dowladda Soomaaliya ka codsaday inay ku dadaasho sidii xoriyadooda ay ku heli lahaaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada ku yaala dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in dhibaatooyin ad u daran ay ku heysato jeelasha ay ku jiraan, ayagoo dowladda Soomaaliya ka codsaday inay ku dadaasho sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen.

Mid ka mid ah dadka ku xiran xabsiga ku yaala magaalada Jidah oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaji Cali, isla markaana la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiga ay xaaladooda nololeed aad u liidato.

"Waxaanu nahaay dadkii laga soo qab qabtay magaalooyinka dalka Sacuudiga, waxaan isugu jirnaa 300 oo grag ah, 300 oo dumar ah iyo 100 carruur ah, runtii inta badan xaalado caafimaad darro ah ayaa heysata,” ayuu yiri Axmed Maxamed.

Axmed ayaa sheegay in dhibaato u badan xanuuno iyo dawo la’aan heysato aawadeed uu ugu dhintay xabsiga dhexdiisa wiil Soomaaliyeed kadib marki uu waayey daryeel caafimaad.

"Waxaan dowladda ka codsaneynaa in nagala saaro xabsiyada dalka Sacuudiga, waxaan u baahanahay in wax naloo qabto oo dadka xanuunsan la daweeyo, isla markaana dib dalkeenii naloogu soo celiyo, si aan u helo xoriyad waayo halkan dhibaatooyin badan baanu ku qabnaa’’ ayuu yiri Axmed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip