SIMINAAR SOCDEY LABA MAALIN OO LOO QABTEY HAWEENKA KU SHAQEESTA XIRFADA SAXAAFADA IYO KUWA GANACSATADA AH OO MUQDISHO LAGU SOO GABA GABEEYAY

0
Friday February 05, 2016 - 00:26:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIMINAAR SOCDEY LABA MAALIN OO LOO QABTEY HAWEENKA KU SHAQEESTA XIRFADA SAXAAFADA IYO KUWA GANACSATADA AH OO MUQDISHO LAGU SOO GABA GABEEYAY

    Siminaar soconayay laba maalin ay soo qaban qaabisay Dalada Haweenka Horumarinta Saxaafada Soomaaliya waxaa naga taageeray Hay'ada Horumarinta &Waxbrashada CED ayaa lagu soo gaba gebeeyay hoteelka weyn ee CENTRAL HOTEL Magaalada Muqdisho .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siminaar soconayay laba maalin ay soo qaban qaabisay Dalada Haweenka Horumarinta Saxaafada Soomaaliya waxaa naga taageeray Hay'ada Horumarinta &Waxbrashada CED ayaa lagu soo gaba gebeeyay hoteelka weyn ee CENTRAL HOTEL Magaalada Muqdisho .

Women Media Development Umbrella

WOMDUwaxaa lagu baranaayay xiriirka ka dhaxeeya Haweenka Saxaafada ,kuwa ganacsatada,ururada Bulshada iyo Haweenka ku jira siyaasada dalka iyo sidii ay u diyaargaroobi lahaayeen doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka ,

waxaa kale oo casharada ka mid ahaa sidii ay dhaqan gal u naqon lahayd qootada haweenka Fahanka Qoondada,Dastuurka & qoondada, Faaiidooyinka Qoondada,Taariikhda Qoondo haween loo qoondeeyo caalamka, Africa & Soomaaliya iyo Caqabadaha.

30% in lagu qoro Dastuurka Soomaaliya ololaahaas ayaan mudo soo wadnay maantana waa aragtaa waxaan maraynaa inaan xildhibaanada Haweenka ee noogu jira Baarlamaanka in ay gacan nagu siiyaan sidii loogu qori lahaa Dastuurka iyadoo laga amba qaadaaya heshiisyadii xiligii ku meelgaarka ee Grawe II oo ay hayd in Haweenka qootadoodu noqoto 30% waxaa ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadashay tababarkaas Xildhibaanad Xaliimo Xasan Cumar oo ka mid Haweenka Baarlamaanka ku jira waxay na Haweenka ay ku guubaabisay inay muujiyaan midnimo isku xirnaan taas Haweenka Horumar ku gaari karaan iyo kulamo joogta ah ay sameystaan si loo gaaro hadafkooda waxaan rabaa inaan idin kula dardaarmo inaad is xoojisaan oo gacmaha is qabsataan oo Haweenka Africa iyo caalamka la tartantaan oo nambar fiican qootada ka qaadataan anagana ka xildhibaan ahaan Haweenka garab ayaan isku siinayaan weliba waaxa aan ka shaqaynaynaa inaan qodob Dastuuri ka dhigano 30%

Gunaanadkii waxa soo xiray Gud ku xigeenka Dalada Haweenka Horumarinta Saxaafada Soomaaliya Mawo Malyun Shiikh Xayder waxay u mahadcelisay Hay’ada CED oo inta badan naga taageerta tababarada kur u qaadistooda oo ilaa laba sano mashruuc socday nagu taageertay ilaa halka aan joogna CED ayaa mahadaas iska leh

Tababarkaan haddii aan ka warbixiyo inta bilood uu socday oo ah 4 bil waxaa Haweenka laga dhisaayay sidii ay hurumar ku gaari lahaayeen oo uga qayb qaadan lahaayeen siyaasada dalka maadaama xili kala guur la maraayo oo doorashada soo socota ee bilooyin gaaban naga xigaan inaan diyaar garaw fiican aan samayno olole weyn aan qaadno sidii lagu heli lahaa xaqa ka maqan haweenka ee aan ku cadayn Dastuurka in lagu qoraa Dastuurka.

Hadaba waxaan masuuliyiinta ugu sareeysa ee dalka ka codsanaynaa in lagu qoro Dastuurka gacana nagu siiyaan sidii ay u dhaqan geli lahay 30%

"Kacdoonka Haweenka & ka qeybgalka hoggaanka ee Africa waan aragnay waa inaan aragnaa Kacdoonkii Haweenka & ka qayb galka siyaasada soomaaliaya "

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip