Wasaarada gaashaandhiga soomaaliya oo maanta dowlada masar kala wareegetey gaadid kuwa aan Karin xabada iyo qalab xafiiseed+sawiro

0
Thursday February 04, 2016 - 21:42:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada gaashaandhiga soomaaliya oo maanta dowlada masar kala wareegetey gaadid kuwa aan Karin xabada iyo qalab xafiiseed+sawiro

    Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda GaashaandhiggaCabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda GaashaandhiggaCabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim.

 

Danjire Waliid oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaadidka maanta ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Masar ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali, ayaa u mahadceliyay Dowladda Masar gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib u dhiska Wasaaradda, isagoo xusay in dawladda Masar ay sidoo kale ugu deeqday Qalab xafiiseed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo dhawaan booqasho ku tagey dalka Masar, ayaa dalkaas kala soo hadlay sidii gacan looga siin lahaa horumarinta Wasaaradda.

IMG_0427IMG_0458IMG_0481IMG_0489IMG_0500




 

 


 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip