Kulanka Saraakiisha Ciidamada qalabka sida oo maanta Marti galiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga Hadley Amniga guud ee dalka

0
Thursday February 04, 2016 - 21:42:00 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Saraakiisha Ciidamada qalabka sida oo maanta Marti galiyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga Hadley Amniga guud ee dalka

    Kulanka saraakisha ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta mati galiyay taliska ciidanka asluubta soomaaliyed ayaa waxaana ka qeyb galey taliyaasha ciidamada xooga dalka booliska asluubta iyo taliyaha hay ad nabad sugida qaranka saraakisha ciidamada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka saraakisha ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta mati galiyay taliska ciidanka asluubta soomaaliyed ayaa waxaana ka qeyb galey taliyaasha ciidamada xooga dalka booliska asluubta iyo taliyaha hay ad nabad sugida qaranka saraakisha ciidamada qalabka sida.

Kooxda fanaaninta onkod ee ciidanka asluubta ayaa goobta kusoo bandhigey kaalimo suganeed oo ka turjumayo ciidamada qalabka sida

Taliyaha qeybta booliska gobolka banaadir sareeyo guuto ali xersi bare ali gaab ayaa saraakisha ciidamada qalabka sida ugu warbixiyay xaalada guud ee amniga gobolka banaadir

general Abdirahmaan tuuryare taliyaha hay ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo ka Hadley goobta ayaa sheegey in xaley isagoo mar kormeer shaqo ku jira lagu soo wargaliyay in degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe dadka degaanka ah in ay ku diley 5 ka tirsan maleyshiyada Kooxda ugus ayna maydadkooda ay yaalaan degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe

Taliyaha ciidanka xooga dalka sareeyo gaas maxamed aadan axmed ayaa la dar daaremey saraakisha ciidamada qalabka sida isagoonaka codsadey in saraakisha ay dhabar adeegaan howsha adag ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed sareeyo gaas maxamed sh xasan xaamud ayaa dhamaan saraakisha ciidamada qalabka sida ka codsadey in ay la shaqeyaan ciidamada nabad galyada wadooyinka ee taraafikada sidoo kale taliyaha ciidanka booliska sareeyo gaas ,maxamed sh xasan xaamud ayaa sheegey in maagalada dhaxdeeda aan lagu wadan Karin hubka culus

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa ka Hadley taliyaha ciidanka asluubta sareeyo gaas bashiir maxamed jamac bashiir goobe ayaa waxaa uu sheegey in kulumadii hore ee u qabsoomey saraakisha ciidamada qalabka sida uu ka duwan yahay maadama uu sheegey in saraaskisha ciidamada qalabka sida ay isku dhax jireen manta

Kulankaai ayaa waxaa hore u daahdurey taliska ciidanka xooga dalka soomaaliyed oo uu hormuudka u yahay taliyaha ciidanka xooga dalka sareeyo gaas maxamed aadan ahmed iyadoo magaalada muqdisho laga dareemo maalinta qamiista ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip