Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Ceel Buur

0
Thursday February 04, 2016 - 13:50:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Ceel Buur

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Ceel Buur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo La Wareegay Deegaanno Hoos Yimaada Ceel Buur

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ayaa ka ceyriyay maleeshiyaadka argagaxisada Al shabaab deegaano hoos yimaada degmada ceel buur ee gobolka galgaduud oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Ciidamada oo ay ka muuqato feejignaan dheeri ah ayaa duulaan qorsheysan ku qaaday deegaanadaasi taasi oo qeyb ka ah ka xoreynta cadowga Al Shabaab ee deegaanada dadka ay ku dhibaateeyaan.

Guddoomiyaha degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud  Cabdi Xasan Cige oo la hadlay Raadiyaha Codka Ciidamada Qalabka Sida ayaa faah faahin ka bixiyay arrimahaasi, isagoo sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen argagaxisada laga xoreeyo deegaanno hoos yimaada degmadaasi kaddib howlgal ay sameeyeen.

Waayihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay ku mashquulsanaayeen fulinta howlgalo xoreyn ah oo dadka Soomaaliyeed ay mahdiyeen islamarkaana cadowga ku qasbay in ay fashilmaan awood ahaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip