Wasiirka arrimaha gudaha Oo la dar-daarmay guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan

0
Wednesday December 23, 2015 - 07:52:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha gudaha Oo la dar-daarmay guddoomiyaha cusub ee G/Hiiraan

    Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa, oo ka mid ah wafdiga dowladda ee ku sugan magaalada Beledweyne,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa, oo ka mid ah wafdiga dowladda ee ku sugan magaalada Beledweyne,

ayaa ka hadlay qaabka loo maareyn karro siyaasada gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka duwan yahay gobollada kale ee dalka, siddaa daraadeed guddoomiyaha cusub looga baahan yahay in awoodiisa oo dhan isugu geeyo. la socoshada iyo daryeelka ciidammada iyo qaabka looga shaqeeyo xarumaha dowladda.

Waxaa uu intaa ku darray in wasaarrada arrimaha gudaha marnaba u dul-qaadan doonin in gobolka Hiiraan uu ka odawaaAmi liito gobollada kale ee dalka, madaama uu yahay sidda uu hadalka u dhigay gobol ahmiyad gaar ah u leh dowladda.

”Annaga waxa aan guddoomiyaha cusub u magacaawnay waa in maaro loo helo arrimaha ammniga, khilaaf soo noq noqday ee maamulka iyo waliba kala danbeyntii bulshada oo la soo celiyo, dabcan waxaan ka fileynaa in howlahaa oo dhan uu ka soo bixi doono” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in guddoomiyuhu ka shaqeeyo in mar danbe xafiiska wasaarrada arrimaha gudaha aysan soo gaarin dacwad ka dhan ah maamulka gobolka, loona baahan yahay ayuu yiri in laga wadda shaqeeyo siddii loo yeellan lahaa xiriir wanaagsan oo dhaxmara mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip