Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee XFS oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub

0
Sunday March 10, 2024 - 20:19:56 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee XFS oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub

    Sii hayaha wasiirka Amniga Gudaha, ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii hayaha wasiirka Amniga Gudaha, ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarrada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona Boliiska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha Khawaarijta Bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan iyo guud ahaan amniga guud ee dalka.

Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dardaarmay inay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya, bulshadana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay ka soo dhex baxeen bulshada.

Dhankiisa Wasiir Xagaa ayaa uga mahad celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip