Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulamo kula leh qaybaha Bulshada magaalada B/weyne

0
Wednesday December 23, 2015 - 07:37:26 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulamo kula leh qaybaha Bulshada magaalada B/weyne

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiekh Max'uud oo shalay socdaal shaqo ku tagay Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa tan iyo maanta waxa kulamo la leeyahay qaybaha Bulshada, sida Odayaasha, Waxgaraddka, Culumada, iyo Siya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiekh Max'uud oo shalay socdaal shaqo ku tagay Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa tan iyo maanta waxa kulamo la leeyahay qaybaha Bulshada, sida Odayaasha, Waxgaraddka, Culumada, iyo Siyaasiyiin,

Waxaana kulamadaas looga haddlayaa arrimo la xiriira dhismaha Maamulka loo samaynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada kaas oo ay Dowladdu cilaamisay in shirarkooda ay ka dhici doonaan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la yeelanaya Odayaasha iyo Waxgaraddka Beelaha gobolkaasi si uu uga qanciyo haddii ay jiraan tabashooyin la xiriira hababka maamulka loo samaynayo,

Isagoo Madaxweynahu uu mid mid u dhagaysanaayo tabashooyinka ay qabaan Beelaha qaarkood kuwaas oo ku aadan maamulka la filayo in loo sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe,

Mana jiraan ilaa hadda faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxay kulamada uu Madaxweynaha la leeyahay qaybaha Bulshada Magaalada B/weyne, waxaana la filayaa marka ay soo idlaadaan in warbaahinta loo soo guddbiyo waxyaabaha ka soo gabaxa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip