Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo

0
Monday December 21, 2015 - 09:55:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu xusayay sanadguurada ciidanka booliiska oo lagu qabtay Baydhabo

    Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa ka qeybgashay munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 72-aad ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa ka qeybgashay munaasabad lagu maamuusayay xuska sanadguurada 72-aad ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Baydhabo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo wajiyadooda laga dheehanay farxad dheeraad ah ayaa dhoolatus ciidan iyo gaadda ka ciyaarba ku soo bandhigay munaasabadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Munaasabadda oo ka dhacday dugsiga tababarka Cali Salaameey ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka K/Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, gudoomiyaha gobolka Baay, gudoomiyaha degmada Baydhabo iyo dadweyne aad u farabadan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska oo munaasabaddaasi ka hadashay ayaa ka sheekeeysay taariikhda ciidanka booliiska, marxaladihii uu soo maray iyo duruufaha kala duwan ee uu ciidanku xilligan ku shaqeeyo.

Wasiirka hub ka dhigiska, dhaqancelinta maleeshiyaadka iyo tababarrada ciidanka Xasan Xuseen Maxamed "Eelaayā€¯ oo gebagebadii munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray ciidanka booliiska isagoo tilmaamay in maamulku uu il gaar ah ku eegi doono baahiyaha ciidanka booliiska.

Sanad kasta maanta oo kale waxaa dalka laga xusaa sanadguurada ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ku asteysan 20-ka dicembar.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip