Laamaha ammaanka Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo magacyada 11-ruux oo weeraro qorsheynaya+sawiro

0
Saturday December 19, 2015 - 13:59:19 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha ammaanka Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo magacyada 11-ruux oo weeraro qorsheynaya+sawiro

    Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doon doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, ayna maleegayaan weeraro argagixiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doon doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, ayna maleegayaan weeraro argagixiso.

Dadkan ayay laamaha ammaanka dowladda Kenya sheegeen inay yihiin kuwo hubeysan oo qatar u ah, waxaana la sheegay inay horay uga qeyb qaateen weerarkii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Mpeketoni

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganayay saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in raggan ay qorsheynayaan weeraro inay ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka cusub.

Dadka reer Kenya ayaa loogu baaqay in Hey’adaha amaanka Kenya ku wargeliyaan raggan, hadii ay hayaan macluumaadkooda ama ay arkaan.

Mid ka mid ah ragga la soo bandhigay waxaa lagu magacaabaa C/fataax Abuubakar Cabdi oo ah muwaadin u dhashay Soomaaliya, kaasoo horay looga soo musaafuriyay gobolka xeebta ee Kenya.kana tirsan maleyshiyada argagexesada shabaab

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip