Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid oo maanta Muqdisho ka furey shir weynaha dhalinyarada Soomaaliyeed

0
Friday December 18, 2015 - 14:18:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid oo maanta Muqdisho ka furey shir weynaha dhalinyarada Soomaaliyeed

    Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furey shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo ay wasaaradda dhalinyarada ay soo qaban qaabisay, waxaana ka qeybgalay dhalinyaro ka kala socda maamulada dalka ka jira iyo kuwo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furey shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo ay wasaaradda dhalinyarada ay soo qaban qaabisay, waxaana ka qeybgalay dhalinyaro ka kala socda maamulada dalka ka jira iyo kuwo ka kale oo ka yimid dalka dibadiisa.

Shirka ayaa furitaankiisa waxaa ka qeybgalay Ra’iisulwasaaraha, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay kamid yihiin kuwo beesha caalamka ka socda.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Nuur oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in u jeedada shirweynahan ay tahay sidii loo heli lahaa siyaasad lagu mideysan yahay oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin taas oo ay garwadeyn ka tahay wasaaradda.

Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid oo si rasmi ah u furey shirweynaha dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegay in farxad weyn u tahay maanta maadaama loo fadhiyo aayaha dhalinyarada wadanka.

Shirkan ayaa maalinta beri ah waxaa sida uu qorshuhu yahay la soo gabagabeyn doona iyadoo qodobadii ka soo baxana ka fileyo in ay noqodaan kuwo wax badan ka qabta xaalad nololeedka dhalinyarada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip