Kooxda Horseeday Oo Ka Badisay Kooxda Heegan Kuna Guuleysayay Koobka Janeraal Daa'uud

0
Thursday December 17, 2015 - 20:17:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Horseeday Oo Ka Badisay Kooxda Heegan Kuna Guuleysayay Koobka Janeraal Daa'uud

    Labada kooxood ee sida weyn u xifaal tama ee Heegan iyo Horseed ee kala hoostaga ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kulan aad u xiiso badan waxa ay ku wada ciyaareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada kooxood ee sida weyn u xifaal tama ee Heegan iyo Horseed ee kala hoostaga ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kulan aad u xiiso badan waxa ay ku wada ciyaareen

 garoonka Koonis ciyaartaas oo aheyd  Finalka koobka Janeraal Daa’uud, waxaana ciyaartaasi si toos ah u baahinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Ciyaarta ayaa waxaa daawanayay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada aLabada kooxood ee sida weyn u xifaal tama ee Heegan iyo Horseed ee kala hoostaga ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kulan aad u xiiso badan waxa ay ku wada ciyaareen

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar ah iyadoo kooxda Heegan ee Ciidanka Boliiska ay aheyd koox si wanaagsan ku bilowday ciyaarta.

Kooxda Heegan ayaa u suura gashay in ay hoggaanka u qabato ciyaarta, waxaana gool u dhaliyay xiddiga weerarka ee Deeq Aaryo  isagoo ka dhigay 1-0.

Xiddiga khadka dhexe ee Meeme  oo ka tirsan kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo taagay kaarka cas  kaddib markii uu xusul ku dhuftay xiddiga  Mahad Yare oo Heegan ka tirsan.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0, oo ay ku hoggaamineyso naadiga Heegan ,iyaagoo labada kooxood ay iska qasaariyeen fursado goolal loo filan karay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda kubadda cagta ee Horseed waxaa u suura gashay in ay la timaado goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay xiddiga Cadaani Bare Ciise isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Kooxda ciidanka Booliska ee Heegan ayaa iska qasaarisay fursado wanaagsan oo goolal loo filan karay daqiiqadihii hore qeybtii labaad ee ciyaarta.

Weeraryahanka reer Kenya ee Ayuub ayaa Horseed u keenay goolkii labaad kubad uu si wanaagsan ula dhex maray daafacyada kooxda Heegan isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Labo daqiiqo dheeri ah oo laga daray ciyaarta ayaana u suura galin kooxda Heegan in ay la timaado goolkii bar baraha iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo idlaatay 2-1.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip