Wafdigii ka socday Xukuumadda oo maanta kormeeray goobihii lagu dagaalamay Beledweyn "Sawirro"

0
Thursday December 17, 2015 - 20:23:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdigii ka socday Xukuumadda oo maanta kormeeray goobihii lagu dagaalamay Beledweyn "Sawirro"

    Wafdigii ka socday Xukuumadda Federaalka oo maalmahan ku howlanaa xalinta dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii lagu dagaalamay iyo meelihii la dejiyay maleeshiyo beeleedyadii la kala qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigii ka socday Xukuumadda Federaalka oo maalmahan ku howlanaa xalinta dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii lagu dagaalamay iyo meelihii la dejiyay maleeshiyo beeleedyadii la kala qaaday.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, iyadoo ay wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal dhaqameedyo iyo Saraakiisha AMISOM, waxaana ay bogaadiyeen dadaalada socda iyo in loo hogaansamay heshiiskii xabad joojinta.

Maleeshiyaadkii ku dagaalamay magaalada Beledweyn, gaar ahaan xaafada Howl-wadaag ayaa la dejiyay goobo banaanka ka ah magaalada, waxaa lagula dar daarmay inay nabada ilaaliyaan.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay inay tahay in marka hore xabada la joojiyo, isla markaana labada dhinac u hogaansameen xabad joojinta, waxaana uu soo dhoweeyay dadaalka ay qeyb ka ahaayeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada labada dhinac.

Xaalada galbeedka magaalada Beledweyn ayaa maanta caadi ku soo laabatay, iyadoo isu socodka, dhaq dhaqaaqa ganacsiga uu dib uga bilowday.

 

waf (1)waf (2)waf (3)waf (4)waf (5)waf (6)waf (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip