Kulan Looga Hadlayay Wada Shaqeynta Ciidamada Qalabka Sida Oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Lagu Qabtay Dawwo Video

0
Thursday December 17, 2015 - 15:52:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Looga Hadlayay Wada Shaqeynta Ciidamada Qalabka Sida Oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Lagu Qabtay Dawwo Video

    Kulankani maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta amniga iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankani maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta amniga iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada ciidan.

Kulanka oo ah mid todobaadkii mar lagu qabto hoolka shirarka ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hey’adda Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Ee NISA.

Fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay madasha ku soo bandhigeen sugaan ka turjumeyso waxqabadka Ciidamada qalabka sida iyo ahmiyada ay bulshada u leedahay la shaqeynta Hey’adaha Amniga si looga hortago dhagarta ay shacabka u maleegayaan Al-Shabaab.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/guute Cali Baashi Maxamed xaaji Cumar oo ugu horeyn kulanka ka Hadlay ayaa sheegay in ka qeyb galka kulankaasi Taliska Nabada sugida uu ka turjumayo in uu hirgalay kulanka Khamiisla ah oo ay isku imaan jireen Saraakiisha cidamada qalabka sida

 Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka qeyb galey kulankaasi ayaa sheegay in hadii la sii joogteeyo kulankaasi ay ahmiyad gaar ah u leedahay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Ciidamada qalabka sida iyo Xaqiijinta Amniga.

Taliyaha Hey`adda Nabada Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal C/raxmaan Maxamed Tuur-yare ayaa sheegay haddii si wada jir ah u wada shaqeeyaan Cidamada qalabka sida laga guuleysan karao cadowga umadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa hogaanada Ciidanka xoogga dalka ku amarey iney hubka ka reebaan askarta marka ay ku guda jiraan fasaxa.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip