Tarsan oo ka digay dhibaato ka dhalan karta hanaanka Federaalka Soomaaliya

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan oo ka digay dhibaato ka dhalan karta hanaanka Federaalka Soomaaliya

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta Hanaanka Federaalka Soomaaliya, xilli dalka laga dhaqangelinaayo Federaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta Hanaanka Federaalka Soomaaliya, xilli dalka laga dhaqangelinaayo Federaal. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuu sheegay in dadka Soomaalida aysan ka fekerin dhibaatada ka dhalan karta hanaanka Federaalka Soomaaliya, balse ay u muuqato kaliya inuu dhaqangalo Federaalka.

Wuxuu sheegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan hadii Federaalka uu dhaqangalo oo dalka Qabaa’ilada ay sameystaan xuduudo, arinta dhibaatada ka imaan karta ay tahay in hadhoow Maamulada qaar ay ku dagaalamaan xuduudaha, maadaama ay wada hubeysan yihiin.

Tarsan, ayaa sheegay in qatar muuqato inay tahay Federaalka dalka Soomaaliya oo meesha ka saaraya sida uu qaranimadii dalka Soomaaliya.



Dad badan ayaa horay uga digay Hanaanka Federaalka dalka Soomaaliya, balse madaxda Dowladda ayaa ku adkeesanaya in dalka Soomaaliya laga dhaqangeliyo Federaalka.

Hanaanka Federaalka dalka Soomaaliya ayaa wuxuu dhigayaa in dalka la kala qaybiyo, qabaa’iladana ay ku heshiiyaan dhismaha Maamulo ay ku mideysan yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip