Guddoomiyaha gobolka oo ku baaqay in la xoojiyo bilic soo celinta caasimadda

0
Wednesday November 18, 2015 - 13:42:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka oo ku baaqay in la xoojiyo bilic soo celinta caasimadda

    Munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay degmada Shibis, kaasi oo ay fanaaninta hobolada Waaberi ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa horumrka gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xalay lagu qabtay degmada Shibis, kaasi oo ay fanaaninta hobolada Waaberi ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa horumrka gobolka.

Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Shibis ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibanno, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka, ku-xigeenada guddoomiyaha gobolka, taliyaha qeybta booliska ee gobolka, qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka, qeybaha bulshada ee degmada Shibis iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Guddoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed oo goobta xafladda ka hadlay ayaa sheegay in u jeedka xafladda ay tahay mid ay ku soo dhaweynayaan guddoomiyaha gobolka banadir, isagoo xusay in bulshada reer Shibis ay markasta ka go’antahay ka shaqeynta amniga iyo horumrinta bilicda caasimadda, ayna la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub./

Guddoomiya Gobalka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaal (Madaale) oo xafladda soo xiray ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta loo soo sameeyay, waxaana uu ku booriyay bulshada degmada Shibis inay u istaagaan ka qeyb qaadashada amniga iyo dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip