Madaxweyne Xasan "Al-Qaacida iyo IS waa xoogag shayaadiin oo isku mid ah"

0
Wednesday November 18, 2015 - 10:36:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan "Al-Qaacida iyo IS waa xoogag shayaadiin oo isku mid ah"

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo kooxda daacish ay yihiin xoogag shayaadiin ah, isagoo ku baaqay in laga hortago, kadib weerarkii Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo kooxda daacish ay yihiin xoogag shayaadiin ah, isagoo ku baaqay in laga hortago, kadib weerarkii Paris.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo kooxda Daacish ay yihiin xoogag shayaadiin ah, isagoo ku baaqay in laga hortago, kadib weerarkii Paris.

 

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Wakaalada wararka ee AP, isagoo ku sugan magaalada Dubai ayuu muujiyay aragexesada Shabaab oo ku xiran Al-Qaacida, iyadoo kooxdaan Shabaabka ay wali wadaan weerarada. Ay ku bartilmaameysanayaan meelaha dadka ay iskugu yimadaan

 

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dhaqaale ahaan iyo milateri ahaan la cunaqabateeyo kooxaha xagjirka ah, waxaana uu qiray inuu ogsoon yahay in qaar ka mid ah argagexesada Shabaab ay ku biireen Kooxda daacish

 

"Dhamaadka natiijada waa isku mid, waa koox shayaadiin ah oo u taagan bur burin kaliya, magaca ay doonaan ha qaateen Al-Qaacida iyo Daacishā€¯ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo marar qaar adeegsanayay erayo carabi ah.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in ficiladooda iyo fikiradahooda ay isku mid yihiin Al-Qaacida iyo Daacish, isagoo tusaale u soo qaatay in midba midka kale uu geysto weeraro arxan daro ah.

 

Kooxda argagexesasada Shabaab ayaa beryahan waxaa dhexdooda ka dhex taagnaa khilaaf oo ku aadan ku biiritaanka Daacish, waxaana ay xir xireen dagaalyahano badan, iyadoo koox ka mid aheyd oo ku sugneyd Buuraha Galgala ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Daacish.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip