Uganda oo ka cabsi qabta weeraro la mid ah kii Paris inay kooxda argagexeada Shabaab ka geysato Kampala

0
Monday November 16, 2015 - 17:32:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda oo ka cabsi qabta weeraro la mid ah kii Paris inay kooxda argagexeada Shabaab ka geysato Kampala

    Laamaha ammaanka Uganda ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada lagu sugayo amniga, kadib weerarkii habeenkii jimcaha ee lagu qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen 129 ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka Uganda ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada lagu sugayo amniga, kadib weerarkii habeenkii jimcaha ee lagu qaaday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaasoo ay ku dhinteen 129 ruux.

Dowladda Uganda ayaa ka cabsi qabta weerar la mid ah kii Paris oo kale inay kooxda argagaxesada Shabaab ka geystaan Caasimada Kampala, waxaana laamaha amniga ay ka digeen weeraro argagixiso.

Afhayeenka Booliska Uganda Fred Enanga ayaa sheegay in ciidamo dheeri ah la geeyay caasimada Kampala, gaar ahaan xarumaha muhiimka ah, sida Garoonka diyaaradaha Entebe.

"Ma xamilo karno waxyaabihii ka dhacay Paris, waxaan sare u qaadnay ammaanka dalka si ay uga nabad galaan dadkeena weeraro argagixisoā€¯ ayuu yiri Fred Enanga oo la hadlayay Wakaalada wararka ee Shiinaha Xinhua

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen Ammaanka ay tahay, in aysan wax qal qal ah uusan ku imaan booqashada Wadaadka Diinta Masiixiga ee Pope Francis oo la filayo in dhamaadka bishan uu booqasho ku tago dalal ku yaall Bariga Afrika oo ay ku jirto Uganda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip