QM oo si kumeel gaar ah u joojisay qaxootiga Soomaalida ah ee kenya ka soo laabanaya

0
Monday November 16, 2015 - 15:54:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM oo si kumeel gaar ah u joojisay qaxootiga Soomaalida ah ee kenya ka soo laabanaya

    Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay iyadoo roobab ay ka da'ayaan qeybo ka mid ah waddanka in ay gooyeen waddooyinka ay soo mari jireen dadka ka immaanaya xeryaha qaxootiga ee gobalka waqooyi bari Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay iyadoo roobab ay ka da'ayaan qeybo ka mid ah waddanka in ay gooyeen waddooyinka ay soo mari jireen dadka ka immaanaya xeryaha qaxootiga ee gobalka waqooyi bari Kenya.

War qoraal ah oo ay soo saartay UNHCR ayaa lagu sheegay in cimilada oo xun ay keentay in la joojiyo howlaha lagu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool.

In ka badan 500,000 oo qof ayaa ku nool xeryaha gobalka waqooyi bari Kenya iyadoo xerada dha-dhaab ay hooy u tahay 350,000 oo Soomaali ah, sidda ay sheegtay UNHCR.

Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga waddanka Kenya ayaa tagaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

Waddamada Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda UNHCR ayaa heshiis ku gaaray in si iskood ah ay u soo laabtaan qaxootiga Soomaalida ee waddanka Kenya.

UNHCR ayaa sheegtay in ay soo laabteen tan iyo bishii December sannadkii 2014-ka 5,444 oo Soomaali ah kuwaasoo ku noolaa xeryaha qaxootiga waddanka Kenya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip