Shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Sh/dhexe oo si rasmi ah ugaga furmay magaalada Jowhar

0
Monday November 16, 2015 - 15:54:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Sh/dhexe oo si rasmi ah ugaga furmay magaalada Jowhar

    Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha gudaha C/shiid Maxamed Xiddig ayna ka mid yihiin wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymow,wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamed Axmed Nuur iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha gudaha C/shiid Maxamed Xiddig ayna ka mid yihiin wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymow,wasiiru dowlaha maaliyadda Maxamed Axmed Nuur iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wafdjgan oo ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa ujeedada safarkooda lagu sheegay in ay furan shir dib u heshiisiin ah oo beelaha dega gobolka ugaga furmaya magaalada Jowhar.

Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen iyo ku xigeenada guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule.

Xubnaha wafdigan ayaa la geeyay hoolka shirarka magaalada Jowhar halkaas oo ay ku sugnaayeen odayaal dhaqameed iyo nabadoono ka soo jeedo qaar kamid ah beelaha gobolka Sh/dhexe.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Sh/dhexe ayaa si rasmi ah uu uga furmay magaalada Jowhar iyadoo uu qudbad ka jeediyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo federalka Cabdrashiid Maxamed Xiddig.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka magaalada lagu arkayo ciidamo faro badan oo sugaya amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip