Booliiska Canada oo baaritaan ka wada xaafad Soomalida ku badan tahay

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Canada oo baaritaan ka wada xaafad Soomalida ku badan tahay

    Booliska dalka Canada ayaa magaalo ay degen yihiin dad Soomaali ah ka baadi goobaya ruux ay doon doonayan Booliiska , kaasi oo looga shakisan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Canada ayaa magaalo ay degen yihiin dad Soomaali ah ka baadi goobaya ruux ay doon doonayan Booliiska , kaasi oo looga shakisan yahay inuu ku dhuumaaleysanayo magaaladaasi. Wax ka yar hal maalin ayaa kasoo wareegatay markii ruux hubeysan uu markale weerar ka geystay goob Soomaalida ku badan tahay, taasi oo dhalisay in ciidamada booliska ay baaritaan ka sameeyaan xaafada Soomaalida degen tahay.

Haweenka iyo dhalinyarada ku dhaqan xaafada baaritaanka uu ka socda ayaa sidoo kale sheegaya iney qeyb ka qaadanayan baadi goobka ruuxa la doon doonayo.

Ciidamada Booliska dalka Canada ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay degenaan muujiyaan oo aysan jirin beegsi iyaga lagu sameynaayo.


Saraakiisha Booliiska dalka Canada ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney xiriir wanaagsan la sameeyaan ciidamada si ay wada shaqeyn buuxda u dhex marto.

Dhanka kale waxaa jira qorshayaal la doonayo in is dhex gal buuxa ay u sameeyaan ciidamada booliska dalka Canada iyo Soomaalida dalkaasi, iyadoo mararka qaar tababaro la siiyo Soomaalida qaar ee dalkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip