Kenya oo darbi weyn ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo darbi weyn ka dhiseysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya

    Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in todobaadkaan ay bilaabayaan dhismaha darbi weyn oo laga Hirgilinayo Sohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,kaasi oo micnahiisa lagu sheegay in looga hortagayo weerarada Al-sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in todobaadkaan ay bilaabayaan dhismaha darbi weyn oo laga Hirgilinayo Sohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,kaasi oo micnahiisa lagu sheegay in looga hortagayo weerarada Al-shabaab ku qaadaan dalka Kenya soo galootiga sharcidarada ah. " Waxaan todobaadka soo socda bilaabi doonaa dhismaha Darbi sohdinta,” ayuu yiri Mr Nkaissery Wasiirka arimaha gudaha Dowlada Kenya.


Xildhibaanka laga soo doorto Countiga Mandheera Billow Kerrow ayaa soo dhaweeyay Qorshahan darbiga lagu dhisayo,isagoona ku baaqay in marka laga soo tago darbigaan la dhisayo ilgaar ah lagu hayo dadka xuduuda ka soo gudbiya.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro khasaare badan geystay oo xadka ay kaga tallowday ka geysatay gudaha Dalka Kenya, waxaana Al- Shabaa ay ugu baaqday Dowlada Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya si ay dalkooda ugu helaan ammaan.



Qorshahan ayaa ahaa mid markiisii hore loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Laamu oo ah deegaanka xeebta Kenya ku yaalla, halkaasoo ay xoogagga Al-Shabaab ka geysatay weeraro khasaare badan; balse xilli dambe ayaa la ballaariyay.

Dowlada Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah Howl-galka Midowga Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ciidamadan gudaha Somalia ku sugan ay si weyn uga soo horjeesatay Al-shabaab.

Marar badan ayaa weeraro waxay ka dhaceen Magaalada Mandhera, waxaana mas’uuliyada weeraradaasi sheegtay Ururka Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip