Munaasabad lagu xusayay maalinta Biyaha aduunka oo lagu qabtay Muqdisho

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu xusayay maalinta Biyaha aduunka oo lagu qabtay Muqdisho

    Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xuska Maalinta Biyaha Adduunka oo ku beegan 22 Maarso,waxaana munaasabadaasi ka qeyb galay Mas'uuliyiin Dowladda ka tirsan sida Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xuska Maalinta Biyaha Adduunka oo ku beegan 22 Maarso,waxaana munaasabadaasi ka qeyb galay Mas'uuliyiin Dowladda ka tirsan sida Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ku xigeenkiisa iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo xubno kale. Mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabada ayaa ku dheeraaday ka hadalka Muhiimadda ay Bulshada u leeyihiin biyaha iyo sida loogu baahan yahay in dadku helaan Biyo Nadiif ah qaar ka mid ah Shirkadaha Biyaha qaabilsan ayaana Goob joog ahaa Munaasabadaas.

Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo ka mid aheyd Mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa waxaa ay Wasaaradda Biyaha ugu baaqday in ay ku dadaasho sidii Biyo Nadiif ah Bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen.



Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir in ay dhaqaale biyo dhaamin ah u sameeyaan dadka biya la’aanta .

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Cabdixakiin Cige Guuleed ayaa ugu baaqay Shirkadaha biyaha in ay Biyo nadiif ah dadka ka iibiyaan isla markaana qiimaha Biyaha inta hadda uu yahay ay ka dabciyaan dadka.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)oo gabagabadii ka hadlay Munaasabadaas ayaa waxaa uu sheegay in wasaarada iyo shirkadaha biyaha ay iska kaashan doonaaan sidii bulshadu u heli lahaayeen biyo nadiif ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip