MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LABO MAALMOOD KU SUGAN SALDHIGGA MILATARI EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE DEEGAANKA WARGAADHI

0
Wednesday July 03, 2024 - 16:35:47 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LABO MAALMOOD KU SUGAN SALDHIGGA MILATARI EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED EE DEEGAANKA WARGAADHI

    Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip