Taliyaha CXD oo ka qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka

0
Thursday December 14, 2023 - 19:30:18 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha CXD oo ka qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo soomaaliya Xubin ka ah.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qorshaha Fog ee la dagaalanka Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dgaalkanka Argagaxisad iyo Dowladaha taageera.

Shirkan oo muhiim u ahaa iskaashiga Military-ga dowladdaha islaamka ayaa ku soo dhamaaday Guul iyo Soomaaliya oo laga taageero la dagaalanka Argagaxisad iyo ciribtirayo fikirka argagixisada.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyaaha Ciidanka Xoogga Ee dalalka sacuudi, kenya, jabuuti, iyo Xogayaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ee Khawaarijta dalka looga saarayo.

Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada ayaa la asaasay sanadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip