Bangiga adduunka iyo IMF oo ku dhawaaqay in deyntii Soomaaliya laga cafiyey

0
Wednesday December 13, 2023 - 22:13:34 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga adduunka iyo IMF oo ku dhawaaqay in deyntii Soomaaliya laga cafiyey

    Bangiga adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga adduunka iyo hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah goor dhaw ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay.

Jihad Azuur madaxa qaybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee hay’adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaas oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saamaynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbadalka cimilada.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS oo ka qaybgalay madasha go’aan qaadasha ee Soomaaliya looga cafiyey deyn gaaraysa  $4.5 bilyan ayaa uga mahadceliyey Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF taageerada ay Soomaaliya ku siiyeen inay soo gaarto heerkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip