Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgallo Isbaaro-qaad ah ka Sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

0
Thursday July 09, 2015 - 20:25:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1051
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgallo Isbaaro-qaad ah ka Sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Howlgal ay ciidamada xooga Somalia ka sameeyeen maanta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay ku qaadeen tiro isbaarooyin ah oo u yaallay koox burcad ah.

Taliyaha Milatariga Gobolka Shabellaha Hoose, Col. Axmed Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku guuleeysteen inay bur-buriyaan isbaarooyin u yaallay kooxo burcad ah waddada isku xirta degmooyinkan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee Walaweyn iyo Afgooye, kuwaasoo uu xusay in dadka shacabka ah lagu dhibaateeyn jiray.

Sidoo kale, Col. Axmed ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah burcaddii ay Isbaaradu u taallay,  ayna sharciga la tiigsan doonaan si looga abaal-mariyo dhibaatadii ay bulshada ku hayeen.

"Ciidamada Millateriga Somalia waxay ku guuleysteen inay isbaarooyin dhowr ah ka qaadaan waddada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn, kuwaasoo u yaallay kooxo rayid ah oo ku labisan dharka ciidamada, qaarkoodna gacanta ayaan ku haynaa,” ayuu yiri Col. Axmed Maxamed.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay inay wixii maanta ka dambeeya diyaar u yihiin inay la dagalamaan cid walba oo dhibaato ku haysa shacabka, gaar ahaan kuwa dhigta Isbaarooyinka oo uu sheegay inay qayb ka tahay amni-darrada jirta.

Ugu dambeyn, Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Al-shabaab ay howlgallo ka fulinayaan qaybo ka mid ah Gobollada dalka iyo Muqdisho, kuwaasoo intooda badan ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMIOSM.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip