Horjoogihii Al-Shabaab uqaabilsanaa qaraxyada Gobolka Galgaduud oo gacanta lagu dhigay+Sawirro

0
Friday February 05, 2021 - 15:28:30 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horjoogihii Al-Shabaab uqaabilsanaa qaraxyada Gobolka Galgaduud oo gacanta lagu dhigay+Sawirro

    Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur daad "Carey's" kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur daad "Carey's" kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Horjoogahaan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal ku soo tuuraan Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-Gor ee howlgalkaan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip