Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada degaano hoosyimaado magaalada Dhuusa-mareeb.

0
Wednesday February 03, 2021 - 16:25:29 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka wada degaano hoosyimaado magaalada Dhuusa-mareeb.

    Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa howlgal balaaran saakay ka wada Degaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo jihada koonfureed kaga beegan Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa howlgal balaaran saakay ka wada Degaanada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo jihada koonfureed kaga beegan Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

Ciidanka oo heley xogo sheegaya in Degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa goor hore gaarey, Waxaana socda baaritaano ay ka wadaan xaafadaha iyo goobihii fariisimaha u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay isaga carareen, kadib markii ay ka war heleen in ay kusoo wajahan yihiin Ciidamada Xoogga.

Taliye ku-xigeenka Guutada 15-aad G/le. Xirsi Cali Quuri ayaa xaqiijiyay in Ciidamadu guul muuqata kasoo hooyeen Howlgaladan oo muddo socdey.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa shalay soo bandhigay meydad maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo hub oo ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Samareeb.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip